Lix Senator oo lagu doortay maanta magaalada Dhuusamareeb

Lix Senator oo lagu doortay maanta magaalada Dhuusamareeb

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa doortay lix Senatar oo ka tirsan Aqalka Sare kuwaasoo Galmdug u matalaya afarta sano ee soo socota dowlad goboleedka Galmudug.

Doorashada ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa waxaa ay u dhacday si gacan taag ah kadib markii dhammaan lixda Senatar ee la doortay ay u tanaasuleen musharaxiintii la tartami lahayd.

Lixda Senator ee ee Galmudug ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa 2 ka mid ah waxa ay ahaayeen dumar iyadoo saddex kamid ah senataradana ay hore uga tirsanaayeen Aqalka Sare afartii sano ee la soo dhaafay.

Labo kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug ayaan weli la shaacin iyadoo lagu wado in dhawaan laga qaban doono doorashada labada kursi.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa shalay lagu doortay dhammaan 11ka kursi ay Puntland ku leedahay Aqalka Sare halka magaalada Baydhabo lagu soo doortay 5 kursiga sidoo kale magaalada Kismaayo ayaa lagu doortay 4 kursi.

Halkan ka Akhriso Magacyada Lixda Senator ee lagu soo doortay maanta magaalada Dhuusamareeb;

1- Cabdi Axmed Dhuxulow
2- Yuusuf Geelle Ugaas
3-Saciid Siyaad Shirwac
4-Samsam Daahir Maxamuud
5-Cabdixakiim Macallin Axmed
6-Duniyo Maxamed Cali

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com