Libya oo dalbatay in maxkamad la soo taago General Haftar

HomeWararka

Libya oo dalbatay in maxkamad la soo taago General Haftar

Hoggaamiyaha dowladda Libya ee ay taageeraan caalamka Khalid Al mishri ayaa ka codsaday madaxda dalalka dunida in ay u fidiyaan taageero dhaqqale,mid

Xog ku saabsan magaca iyo sawirka ninkii tooreyda ku dhaawacay Salman Rushdi
Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga maalgashiga Puntland (Akhriso)
Isimada Puntland: “Madaxweyne Gaas wuu ka Dhabeeyey Ballanqaadkii 1, 2, 3 Garoon … Hadana waa 1, 2, 3 Biyoxireen”

Hoggaamiyaha dowladda Libya ee ay taageeraan caalamka Khalid Al mishri ayaa ka codsaday madaxda dalalka dunida in ay u fidiyaan taageero dhaqqale,mid ciidan iyo mid dibolomaasi.

Hoggaamiyaha dowladda ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobe ee dalka Libya ayaa sidoo kale ugu baaqday Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ICC in ay qaadaan tallaabo dhan ka ah waxa lagu tilmaamay fallaagada ciidamada Mileteriga ee uu hogaamiyo General Khalifa Haftar.

Generaalkaasi ayaa la sheegay in dambiyada uu geystay ay yihiin kuwo lid ku ah biniaadanimada,sidaa daraadeedna ay waajib tahay in la joojiyo dhaqdhaqaaqiisa.

Dhowr bilood oo dagaallo ay ka socdaan koonfurta magaalada caasimadda ah ee Tripuli boqolaal rayid ah ayaa la dilay ama la dhaawacay halka 140-kun oo ruux ay ka carareen guryahooda.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: