laamaha Amniga dowlad degaanka oo Shacabka uga digay taageerida TPLF

HomeWararka

laamaha Amniga dowlad degaanka oo Shacabka uga digay taageerida TPLF

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdiwali Jaamac Ibraahim ayaa sheegay in shacabka Deegaanka Soomaalida ay iska ilaaliyaan taage

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Warka DDM iyo Wariye Axmed Maxamed Nadiif (Daawo)
Wasaaradda Gargaarka & kahortaga Musibooyinka oo Agab Cafimaad lagu wareejiyeey (Sawiro)

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdiwali Jaamac Ibraahim ayaa sheegay in shacabka Deegaanka Soomaalida ay iska ilaaliyaan taageeridda kooxda TPLF ee dagaalka adag kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Xeer Ilaaliyaha oo la hadlay Warbaahinta degaanka Soomaalida ee SRTV ayaa sheegay in TPLF ay dhibaatooyin kala duwan u geysteen Shacabka Deegaanka loogana baahan yahay inay ka feejignaadan hagardaamooyinkooda.

Xeer-ilaaliyaha guud ee DDS ayaa waxaa uu intaasi ku daray in uu baarlamaanka dalka ku daray liiska argagixisada kooxda TPLF, sidaa darteed qof kaste oo taageero u muujiyana uu qabanayo bayaanka argagixisada ee tirsigiisu yahay 1176/2020, isaga oo tusaale u soo qaatay dad shirar kala duwan ku qabsanaya meelaha qaar.

Ugu dambeyn xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa uga digay bulshada in ay ku dhex-milmaan falalka ka soo horjeeda sharciga, kana fogaadaan arrimaasi.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa dagaal adag kula jirta Kooxda TPLF, waxaana Maamulada kajira Itoobiya ay intooda badan Ciidamo u direen Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro TPLF.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: