Uganda oo aqbashay inay qaabisho 2,000 qaxooti Afganistan ah

Uganda oo aqbashay inay qaabisho 2,000 qaxooti Afganistan ah

Waddanka Uganda ayaa oggolaaday inay si kumeel gaar ah u martigaliso 2,000 oo qaxooti Afganistan ah kadib codsi ka yimid Mareykanka, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Uganda.

Esther Anyakun, oo ah wasiiru dowlaha gargaarka, u diyaargarowga masiibooyinka iyo qaxootiga ee Uganda ayaa sheegtay in madaxweyne Yoweri Museveni uu ku amray in ay u diyaar garowdo sidii ay u qaabili lahayd 2,000 oo qaxooti ah oo ka imaanaya Afghanistan, waxayna xustay in Uganda ay aqbashay codsiga ka yimid dowladda Mareykanka.

“Waxay naga codsadeen inaan martigelino 2,000 oo qaxooti ah” ayaa tiri Esther Anyakun.

Wakiilka Hay’adda Qaxootiga UNCHR ee Uganda, Joel Boutroue ayaa sidoo kale xaqiijiyay go’aanka qaabilaadda qaxootiga Afghanistan.

Kumanaan qof oo reer Afghanistan ah ayaa ka qaxaya dalkaasi kadib markii dagaalyahanada Talibaan ay Axadii shaaciyeen inay galeen caasimadda Kabul, ayna la wareegeen xarunta madaxtooyada. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ka tagay Afghanistan, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado dhiig daata, taasoo muujineysa in la soo afjaray colaaddii 20-ka sano socotay.

Taalibaan ayaa dhinaceeda ku dhawaaqday inuu dhammaaday dagaalkii Afhanistan ka socday muddo 20 sanadood ah, waxaana afhayeenkooda Mohammad Naciim uu sheegay inay gaareen guushii ay raadinayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com