KULANKII MADAXDA EE MUQDISHO OO HADDA SOO XIRMAY.

HomeWararka

KULANKII MADAXDA EE MUQDISHO OO HADDA SOO XIRMAY.

Waxaa goordhaweyd Muqdisho ku soo idlaaday kulamadii wadatashi ee madaxda labada heer ee dawladda Soomaaliya, kaasoo maanta ay ahayd maalintiisii laba

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso|daawo)
Warka Fiidnimo, cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
ABIYA XMED: “Laga bilaabo maanta, anaa hogaamin doona dagaalka”

Waxaa goordhaweyd Muqdisho ku soo idlaaday kulamadii wadatashi ee madaxda labada heer ee dawladda Soomaaliya, kaasoo maanta ay ahayd maalintiisii labaad ee uu socday.

Kulanka maanta ayaan wax badan uga duwanayn midkii ka horreeyey ee shalay oo badanka is mariwaay xooggan uu ka muuqday.

Kulamadaan oo hordhac u ahaa shir kuwaan ka guda-ballaaran oo loo madlanyahay, laguna maagganyahay in xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada, ayaa labada maalmoodba lagu lafagurayey tabashooyinka dhinacyada, iyo tubaha loo marayo doorashada.

Afhayeenka madaxweynaha Puntland Jamac Dabaraani oo bartiisa facebook qoraal soo dhigay ayaa sheegay in loo ballamay kulan kale in la iskugu yimaado maalinta Talaadada ah ee todobaadkaan, taariikhduna tahay 6_April 2021.

Soo xirmitaanka shirka maanta ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maanta si weyn loo hadal hayey shirka in is mariwaa uu ka dhacay, wax natiijo ahna aan lagu gaarin.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: