ABIYA XMED:  “Laga bilaabo maanta, anaa hogaamin doona dagaalka”

HomeWararka

ABIYA XMED: “Laga bilaabo maanta, anaa hogaamin doona dagaalka”

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay inuu hadda wixii ka dambeeya uu tagayo jiida hore ee daga

Nabadoonada Puntland oo ka Hadlay Shirkii kismaayo & Arrimo Kale (dhegayso)
Hoggaamiyihii Alqaacida Ayman al-Zawahiri oo Duqeyn lagu dilay
Galmudug oo sheegtay in Saddex Kooxood ay dhibaato ku yihiin Amniga Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay inuu hadda wixii ka dambeeya uu tagayo jiida hore ee dagaalka kaa oo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga TPLF. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa ah abbaanduulaha guud ee ciidamada difaaca Qaranka dalka Itoobiya, wuxuuna fariintaan si gaar ah ugu muujinayay inuu doonayo inuu hoggaamiyo ciidamada dagaalka ku jira.

Hadalkaan ayaa ka dambeyay sida wararku sheegayaan kadib markii gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya mas’uuliyiin ka tirsan ay kulan ku yeesheen shalay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kulankaas oo looga hadlayay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka gaarahaanna dirirta u dhaxeeya dowladda federaalka iyo fallaagada TPLF ee waqooyiga. Sidoo kale mas’uuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa sheegay in hoggaanka Xisbigu ay diyaar u yihiin in dagaalka ay galaan oo ay qoryaha qaataan.

Saacado kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay in barri laga bilaabo uu tagi doono jiidda hore ee dalka ayaa isana waxaa bartiisa faceboogga qoraal ku baahiyay afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo hadalka Abiy ku tilmaamay mid majaajilo ah isaga oo intaa raaciyay inay sii wadayaan dadaalladooda ku aaddan in dadkooda ay ka dul qaadaan cunna qabateynta saaran.

Saacadihii la soo dhaafayna waxaa baraha bulshada lagu arkayay in ciidamo ka tirsan booliska federaalka Itoobiya la geeyay xuduudaha iyo magaalooyinka kuwaas oo la sheegay in loogu tala galay inay sugaan amniga aaggaga la geeyay.

Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya inay isaga baxaan dalkaasi iyaga oo isticmaalaya xulashooyin kala duwan ama wax kasta oo sahli kara inay ka safraan Itoobiya waxaana lagu yiri qoraalka” Xaaladda amaan ee dalka Itoobiya ayaa sii xumaanaysaa. Safaaradda Maraykanku waxay ku boorinaysaa muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Itoobiya inay hadda baxaan iyagoo isticmaalaya wixii karaankooda ah”

Waxa uu sheegay in Itoobiya magaceeda aysan marnaba guuldarro kua qornanayn.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: