Kulanki golaha wasiirada Jubbaland oo Arrimo muhiim ah looga hadlay

Kulanki golaha wasiirada Jubbaland oo Arrimo muhiim ah looga hadlay

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka todobaadlaha Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday arrimo kala duwan oo ku saabsan Jubbaland ayadoo dhinaca kale golaha warbixin laga siiyay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Intii uu shirka socday ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddi ay dowladdu u saartay soo indho-indheynta goobaha laga hirgelin doono Isbitalka Ciidanka iyo Xabsi.

Sidoo kale shirka ayaa warbixinno looga dhageystay wasiirrada wasaaradaha Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga, Deegaanka iyo Dalxiisa iyo sidoo kale wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com