Kulan looga hadlayo Waxbarashada haweenka oo ka dhacay magaalada Buuhoodle (Sawiro)

?

Buuhoodle Nov, 17-2012, Kulankan oo looga hadlayey kor u qaadista Waxbarashadda gabdhaha ayaa waxaa kasoo qayb galay maaamulka degmada Buuhoodle, maamulka ?waxbarashada gobolka Cayn, maamulayaasha dugsiyada kala duwan ee gobolka Cayn , haween, dhalinyaro, arday , bahda Saxaafadda ?iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Buuhoodle.
?
Shirkani Waxaa soo qaban qaabisay Waaxda Tacliinta haweenka ee wasaarada Waxbarashada Puntland iyadoo ujeedaduna ahayd sidii bulshada loogu wacyi gelin lahaa waxbarashada hablaha oo muhiim ah.
?
Ugu horayn shirka waxaa lagu furay ayaado quraan ah intaasi kadibna waxaa madasha ka hadlay Isuduwaha Wasaarada Waxbarashada ee gobolka Cayn C/kariin Maxamed Cilmi oo warbixin kooban ka bixiyey ?Shirkani iyo ujeedada laga lee yahay, isagoo tilmaamay in shirkan looga hadlayo kor u qaadista Waxbarashada Gabdhaha.
?
Faadumo Shugri oo ah Madaxa Waaxda Waxbarashada gabdhaha ee Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa iyaduna ka hadlashay madashaasi iyadoo ka warbixisay safarkeeda Buuhoodle iyo waxbarashada haweenka.
?
Aamina Axmed Maxamed ?oo madaxa waxbarashada dadban ee gobolka CAYN Ayaa ?hadal dheer oo ay madasha ka jeedisey si weyn ugu dhaliishay Wasaarada Waxbarashada oo ay sheegtay inaysan waxba u ka qaban baahiyo badan oo kajira waxbarashada Dadban ee gobolka Cayn.
?
Intaasi kadib waxaa hadalka isaga danbeeyey hooyooyin, macalimiin suugaan yahano iyo masuuliyiin madasha kasoo qayb galay iyadoo ugu danbayna uu shirka soo xidhay Duqa Degmada Buuhoodle ee maamulka Puntland Cumar X Cabdi.
?
Shirkani looga hadlayey horumarinta Waxbarashada hablaha ee gobolka Cayn ayaa noqonaya kii u horeeyey oo noociisa ah oo lagu qabto Buuhoodle waxaana kasoo qaybgalayaashii shirku dhamaantood isku raaceen in laga wada shaqeeyo horumarinta & kor u qaadista Waxbrashada gabdhaha.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?
?
\"\"\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"\"\"

?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com