Kulan looga hadlayo qaab-dhismeedka dowladda ee la halmaala dib-u-eegista dastuurka oo ka socda Muqdisho

Kulan looga hadlayo qaab-dhismeedka dowladda ee la halmaala dib-u-eegista dastuurka oo ka socda Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kula-howleed looga hadlayo qaab-dhismeedka dowladda ee nidaamka Federaalka kaasoo lagama maarmaan u ah dhameeystirka dastuurka KMG ah.

Kulanka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka isagoo ku soo dhaweeyay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha si loo dhageeysto talooyinkooda ku aadan xuquuqda aadanaha ee muhiimka u ah kulamo-howleedyada dastuurka ee maalmahanba ka socday Muqdisho.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Joceyln Mason oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay kulamo-howleedyada looga arinsanayo arrimaha muhiimka u ah dhameeystirka dastuurka.

Dhanka kale, masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka ayaa waxa ay ka qeybgalayaasha kulanka u soo jeediyeen xulashooyin ku saabsan noocyada qaab-dhismeedka ee dowladaha ku dhaqma nidaamka Federaalka.

Ugu dambayn, ka qaybgalyaasha oo isugu jira masuuliyiin dowladda katirsan iyo khuburro ayaa waxay muddo labo cisho ah ka doodi doonaan qaab-dhismeedka dowladda ee la halmaamla dib-u-eegista dastuurka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com