Kulamo lagu xalinaayo Soomaali ku dagaalantay DDS oo bilaawday

HomeWararka

Kulamo lagu xalinaayo Soomaali ku dagaalantay DDS oo bilaawday

Magaalada Salaxaad oo ka tirsan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Wafdi socda Xukuumadda Dowla

Qoor Qoor oo shir gudoomiyay Kulankan oo looga hadlayay adkaynta & xoojinta Amniga Degmada Xarardheere
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo xilkii laga qaaday iyo khilaaf ka taagan
Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Ibraahin, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Magaalada Salaxaad oo ka tirsan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa kulan ku yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Wafdi socda Xukuumadda Dowlad deegaanka,kaas oo looga hadlayay xalka gaarista dagaal beeleed ka socda deegaankaas.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo Soomaali ah,kuwaas oo la sheegay ina dad ka badan 70 Ruux ay dagaalka isaga dileen Boqolaal qofna ay dagaalada ku barakaceen.

Hoggaan kuxigeenka Nabadgalyada DDS Cabduqaadir Cabdi Jaamac oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka isla garteen sidii loo qaboojin lahaa colaada labada dhinac u dhaxeeya kana balan qaadeen in dhankooda diyaar u yahiin in Nabada laga wada shaqeeyo.

Hoggaan ku xigeenka Nabadgalyada DDS Cabdulqaadir Cabdi Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in Hay’addaha Nabadgalyada shaqadooda qabsan doonaan si looga hortago in dhibaatooyin kale deegaankaasi ay ka dhacaan.

Wafdiga Xukuumadda Dowlad deegaanka oo uu horkacayo Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS ayaa ka kooban guddi isku dhaf ah oo iskugu jira Dowlada Culumada Hay’addaha amniga iyo kuwa xalinta khilaafaadka si dagaalada xal looga gaaro.

Dhinaca kale Ciidama ka tirsan Ciidanka Gaarka ah ee deegaanka ayaa Xukuumadda u dirtay goobaha shaqaaqooyinka ka jiraan si labada dhinac u kala dhaxgalaan maadaama dad badan ay ku barakaceen dagaalkii deegaankaasi ka dhacay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: