HomeUncategorized

Kulamo lagu soo Dhaweynayay Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho ka Dhacay

Somalia, December 08, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa Magaaalada Muqdisho kaga qayb galay casho sharaf soo dhoweyn ah oo uu u sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Muqdisho.

Federaalku waa Qaab Xukun Islaami ah.
DHEGEYSO-Duubabka gobolka Hiiraan oo eedayn u jeediyey dowladda federalka ah.
Mid ka mid ah la haystayaashii Faransiiska ahaa oo dawladda Soomaaliya u gacan galay. [Akhris …]
Somalia, December 08, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa   Magaaalada Muqdisho kaga qayb galay casho sharaf soo dhoweyn ah oo  uu u sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo kan degmada Muqdisho.
 
Sidoo kale casho sharafta waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali , Ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, Madaxweynaha Maamulka Galmudug iyo masuuliyiin kale.
 
Casho sharafta ayaa sidoo kale lagu maamuusayey midnimada iyo soomaalinimadu qiimaha ay leedahay iyadoo lagu soo bandhigay goobta heeso iyo riwaayado ka turjumaya qiimaha ay midnimadu uleedahay ummadda Soomaaliyeed iyo doorka ay ka qaadan karaan Dawlaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka soo celinta midnimadii Soomaaliya.
Sidoo kale munaasibadda casho sharafta aya waxaa looga hadlay barnaamijka Hiigsiga cusub (New Deal) oo hadda geba-gebo maraya kuna eg sannadka 2016  waxaana si cad laysula qaatay inaanu sidaan soomaalida ugu cuntamin isla mar ahaantaana aanu barnaamijkaasi kaqayb qaadan baahiyihii aas-aasiga ee waddanka
 
Waxyaabaha laquud darraynayey in looga faa’iideysto Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa lagu sheegay inay ka mid ahaayeen inuu barnaamijkani ka qayb qaato dhismaha waddoonyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee waddanka balse nasiib darro ilaa iyo maanta aanay waxba ka hir gelin hammiga barnaamijkaasi.
 
Madaxweynaha Dawladda Puntland Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Muqdisho u yimi sidii looga wada tashan lahaa hannaanka doorashooyinka dalka ee sannadka 2016-ka iyo barnaamijka Hiigsaiga Cusub oo isaguna heer geb-gebo maraya sidii loogu beddeli lahaa qaab ka duwan sidii hore oo uu ummadda ku anfici karo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: