Kulamo lagu dhex dhexaadinayo beelihii ku dagaalamay Shabeellaha dhexe oo billaawday

Kulamo lagu dhex dhexaadinayo beelihii ku dagaalamay Shabeellaha dhexe oo billaawday

Iyada oo dhawaan laba maleeshiyo Beeleed ay ku dagaalameen degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa bilaawday wada-hadallo lagu doonayo in xal looga gaaro colaad beleedyada soo laab laabtay ee ka dhacay degmadaas.

Degmada Cadalle waxaa gaaray Odayaal Dhaqan oo ay hoggaaminayaan Ugaas Maxamuud Cali Ugaas & Imaam Maxamed Yuusuf, kuwaas oo bilaabay kulamo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada dagaalamay.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayna ka wada hadleen sidii xal looga aari lahaa colaada labada beelood oo ah kuwo soo laab laabtay.

Wuxuu sheegay in saacadaha soo socda Guddiyo uu kamid yahay ay gaari doonaan degaannadii lagu dagaalamay, isla markaana maalmaha soo socda go’aan laga gaari doono colaada u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed ee wada degaan degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal Beeleedyadii ka dhacay degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay dhimashada in ka badan 30 Ruux, waxaana dagaallada ay yihiin kuwo soo laab laabtay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com