Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay gudoomiye waaxeed

Kooxo hubeysan oo toogasho ku dilay gudoomiye waaxeed

Kooxo hubeysan ayaa xalay gudoomiye waaxeed ku dilay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Gudoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Sheekh, waxaa uu ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaano Garbahaarey.

Gudoomiyaha ayaa xiliga la dilayey, ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalo Xaafada Xaashiweer ee Duleedka Magaalada Garbaharey.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaa halkaasi gaaray ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya oo bilaabay howlgallo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com