Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay Ganacsade

Kooxo hubaysan oo Muqdisho ku dilay Ganacsade

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay toogteen Nin ganacsade ahaa.

Ninka la toogtay oo magaciisa lagu sheegay C/Qaadir Xaaji Waasac, waxa uu kamid yahay Mas’uuliyiinta shirkada Amal Banka oo xarun weyn ku leh gudaha Suuqa Bakaaraha.

Dhalinyaro bisoolado ku hubeysan ayaa la sheegay in laba Xabadood ay Madaxa kala dheceen Ninkaasi, waxaana ka soo gaaray rasaasta dhaawac daran, Dableyda weerarka geysatay ayaa markii dnabe goobta isaga carartay.

Goob joogayaal, waxey soo sheegeen in shaqaalaha Shirkada Amal bank aya dhaawac ahaan goobta uga qaadeen C/Qaadir Al-Waasac, lana geeyay goobaha Caafimaadka, si loola tacaalo xaaladiisa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com