Kooxda Taliban oo la wareegtay qeybo kamid ah dalka Afgaanistaan

HomeWararka

Kooxda Taliban oo la wareegtay qeybo kamid ah dalka Afgaanistaan

Dagaal adag ayaa waxa uu ku dhexmarayaa saddex magaalo oo ka tirsan Afqanistaan kooxda Taliban iyo ciidmada dowladda Afqaanistaan. Dagaalka ayaa ka

Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garowe (dhegayso)
Fanaanka Nimcan Hilaac oo laga Baajiyeey Bandhig uu ku qaban lahaa Bosaso (Daawo)
Waraysi: Al-shabaab oo madaafic ku garaacay degaanka Ceel-la helay

Dagaal adag ayaa waxa uu ku dhexmarayaa saddex magaalo oo ka tirsan Afqanistaan kooxda Taliban iyo ciidmada dowladda Afqaanistaan.

Dagaalka ayaa ka socda magaalooyinka Lashkar Gah ,Kandahar iyo Harat oo ku yaala koonfurta iyo galbeedka dalkaasi.

Ciidamada gaarka ah ee dowladad Afqanistaan ayaa loo daabulay Lashkar Gah, oo ah caasimadda gobolka Helmand.

Kooxda Taliban ayaa muddooyiinkii u dambeeyay la wareegtay dhul badan oo ku yaalla dalka Afqanistaan.

Magaalada Lashkar Gah, waxay wararku sheegayaan in Taliban ay dhowr boqol oo mitir u soo jirsadeen xafiiska barasaabka, balse markii dambe dib loo riixay.

Waa markii labaad oo muddo maalmo ah ay xoogagga Taliban isku dayayaan in ay la wareegaan magaaladasi.

Abaanduulaha ciidamada Afqanistan ayaa sheegay in khasaaro xooggan ay u geysteen dagaalayahanada Taliban.

Mid ka mid ah baraha internetka ee taageersan Taliban ayaa soo geliyay muuqaal muujinaya dagaalayahanada Taliban oo ka dhex dagaalamaya bartamaha magaalada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: