Khubuuro digniino culus kasoo saaray Isbadalada Cilimadda Somaaliya

HomeWararka

Khubuuro digniino culus kasoo saaray Isbadalada Cilimadda Somaaliya

Khubaro xagga deegaanka ah oo uu fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka digay Khatarta ay leedahay is-beddelka Cimillada Soomaaliya, iyadoo sidoo

Warka Fiidnimo Cabdiraxmaan Xudeyfi, Daljir Bossaso (dhegayso)
Doorka haweenka iyo arrimaha siyaasadda (Waraysi)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Khubaro xagga deegaanka ah oo uu fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka digay Khatarta ay leedahay is-beddelka Cimillada Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena baaq arrintaasi ku aaddan u diray Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cumar, oo ka mid ah Madaxda hay’adda Conservation of Somalia, ayaa warbaahinta u sheegay in ay jirto halis xagga degaanka oo halis ku ah Cimillada Dalka, isagoo taasina ku macneeyay Wasakhowga Hawada oo ay ugu wacan tahay isticmaalka Baabuurta oo u badan kuwo aad u gaboobay, Wershadaha yar-yar, gubista Qashinka oo aan lagu asturin halkii loogu talagalay.

Dowladda Soomaaliya ayuu usoo jeediyay Qabiirku in ay xakamayso dabagalna ku samayso Gaadiidka soo degayo, Shidaalka ay isticmaalayaan, Matoorrada kala duwan iyo goobaha la dhigayo, meelaha lagu gubo qashinka, isagoo Bulshadana ku boorriyay in ay Gacan buuxda ku siiyaan Dowladda xilna iska saaraan ilaalinta Degaanka, si aysan ugu iman Cudurro anay aqoon oo ka dhasha Wasaqowga Hawada.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: