Wasiir Cawad oo qaabilay Safiirka Boqortooyada Midowday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Magalada Muqdisho Mudane David Concar, Safiirka Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii kulanku socday ayay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo habkii loo xoojin lahaa dhinacyo kala duwan, waxa kale oo ay isla faaqideen arrimaha gobolka iyo dunida inteeda kale oo ahaa wax labada dal muhiimad u leh.

Safiirka Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya David Concar ayaa dhowr mar yimid Magalada Muqdisho,waxana uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ugu sareysa dalka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com