Khilaafka Masar iyo Itoobiya oo Cirka isku shareeray iyo dacwad lo gudbiyeey QM

HomeWararka

Khilaafka Masar iyo Itoobiya oo Cirka isku shareeray iyo dacwad lo gudbiyeey QM

Suudaan ayaa sheegtay iney aqbaleyn fikirka ay Itoobiya soo jeedisay ee ku saabsan qaabka loo buuxinayo biyaha biyo xireenka lagu muransan yahay ee ay

Nabadoon Mursal: “600 oo askari oo gobolka u dhashay baa ka soo goostay Somaliland” (dhegayso)
Maxaad ka ogtahay heshiiska DFS iyo Turkiga ee ay kala saxiixdeen (Akhriso)
Galmudug oo ka hadashay 4 Arday oo geriyooday

Suudaan ayaa sheegtay iney aqbaleyn fikirka ay Itoobiya soo jeedisay ee ku saabsan qaabka loo buuxinayo biyaha biyo xireenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile.

Ra’iisul Wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok ayaa sheegay iney dowladdiisu aqbaleyn fikirka Itoobiya ka soo yeedhay.

Dowladaha Masar, Itoobiya iyo Suudaan wadahadalladi u dhaxeeyey ee xalka looga raadinayey muranka biya xireenka ka dhashay ayaa istaagay.
Hasayeeshee, Masar ayaa toddobaadkan cabashadeeda ku aaddan Wabiga Nile ee Itoobiya kala dhaxeeyo u gudbisay qaramada midoobay.

Ra’iisal wasaaraha Suudaan Cabadalla Hamdok diidmada fikirka Itoobiya wuxuuu sababeeyey biyo-xireenka Itoobiya uu dhismahiisa gabagabada marayo iney jiraan qodobbo dhinaca farsamada oo aan weli heshiis laga gaarin.

Masar iyo Suudaan waxay cabsi aad u weyn ka qabaan biyo xireenka Itoobiya ay dhiseyso haddii lagu billaabo qabashada biyaha wabiga Nile iney biyo yari soo food saareyso.

Dalka Itoobiya oo mashruucan balaayiinta doolar ku bixiyey si uu uga baxo baahida dhinaca korontada ka haysato wuxuu qorsheynayaa bisha July ee soo socota inuu billaabo keydinta biyaha biya xireenka uu u baahan yahay.

Seddexda dal bilooyin ka hor shir ay si wadajir ay u soo qabanqaabiyeen Mareykanka iyo Bangiga Adduunka oo ka dhacay magaalada Washington ayay marki ugu dambeysay ku kulmeen balse kulankoodaasi uu ku soo gabagaboobay Natiijo la’aan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: