Khayre oo guddoomiyay shir looga hadlay saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda

HomeWararka

Khayre oo guddoomiyay shir looga hadlay saameynta dhaqaale ee uu COVID19 ku yeeshay bulsahda

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee C

Baaq ku socda Madaxda Maamul Goboleedyadda – Kismaayo , Jubaland
Beesha Caalamka: “Waxaan walaac ka qabnaa jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid”
Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wefti Balaandhan oo Uu Hogaaminayey oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Addis Ababa

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyey shirka joogtada guddiga qaran ee xakameynta cudurka faafa ee Corona virus.

Ugu horreyn Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ee Covid-19 ka dhageystay xubnaha guddiga, maadaama uu ka sii darayo xanuunka.

R/wasaare Khayre ayaa guddiga kula dardaarmay inay laba jibaaraan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si loo xakameeyo fidista Fayraska Corona.

Dhinaca kale waxaa intii uu shirka socday lagu soo qaaday saameynta dhaqaale ee uu bulshada ku yeeshay Covid-19 iyo sida loo wajahayo, xilli dalka uu ku jiro xaalad adag.

Dowladda federaalka oo kaashaneysa dalalka saaxibada la’ah ayaa wada dadaallo xoogan oo lagula dagaalamayo Covid-19 oo kiisaskiisu ay ku dhow yihiin illaa 1000 qof.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: