Baaq ku socda Madaxda Maamul Goboleedyadda – Kismaayo , Jubaland

HomeWararka

Baaq ku socda Madaxda Maamul Goboleedyadda – Kismaayo , Jubaland

Waxaan soo dhawaynayaa kalfadhiga Madaxda Gobolada ee ku shiraya Kismaayo. Waxaan ka codsanayaa Madaxda in shirkooda uu noqdo mid shacabka Somaaliy

Warbixin: Shaqo la’aanta haysta Dhalinyaradda dhamaysa Jamaacadaha Dalka (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | XAAWO AXMED MAXAMED | GAROWE
Dagaalo kharaar oo ka socda galbeedka Gobolka Sitti ee DDS

Waxaan soo dhawaynayaa kalfadhiga Madaxda Gobolada ee ku shiraya Kismaayo.

Waxaan ka codsanayaa Madaxda in shirkooda uu noqdo mid shacabka Somaaliyeed ee tabaalaysan mahdiyaan. In lagu dadaalo xoojinta midnnimadda iyo wada shaqaynta Gobolada iyo dawladda dhexe ee federaalka.

Somaaliya waxay u baahantahay waa NABAD iyo MIDNNIMO si loo helo horumar dhinac waliba ah. Shacabka tabaalaysan 27 ka sano waa ka daalay isqabqabsi, isgarab-yaac iyo nin tooxsi. Shacabka waa ka daalay Mucaarad iyo Mashruuc Shisheeye oo Qaran dumis ah.

Dawladda dhexe waxay nooga baahan tahay
Talo wanaagsan, Toosin halka ay ka liicdo iyo Taageero meesha ay ku wanaagsan tahay.

Sidoo kale, dawladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Mudane Farmaajo waxaan ugu baaqayaa inuu soo dhaweeyo Madaxda Gobolada oo uusan sharaysan islamarkaa wax ka qabto cabashadooda haddii ay xaq tahay iyadoo la tixgelinaayo Midnnimadda iyo Badbaadinta Qaranka.

Somaaliya Hanoolaato..
Tawfiiqda Allaha na waafajiyo

Haji Mohamed Yassin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: