Khasaaro ka dhashay weerar Ciidamo Kenyan ah lagula eegtay Gobolka Waqooyi bari

Khasaaro ka dhashay weerar Ciidamo Kenyan ah lagula eegtay Gobolka Waqooyi bari

Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in weerar ku bilaawday qarax ay ku qaadeen Kolonyo gaaddiid ah oo ay wateen ciidamo katirsan kuwa Kenya xilli ay marayeen meelo kamid ah dhulka Gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

Qarax miinada nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa marka hore lala beegsaday Kolonyada Ciidamada Kenyatiga xilli ay marayeen wadada xiririsa deegaanada Kayunga iyo Shangani, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in weerarka ka hor ay maqleen jugta qarax xoogan oo lala beegsaday kolonyada Ciidamada kenyatiga, balse aysan xaqiijin Karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil katirsan Ciidamada Kenya ayaa dhankooda Warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaas uu jiro hayeeshee aysan faah faahin guud ka bixin khasaaraha ka dhashay, iyada oo Ciidamada Kenya ay sii wateen socdaalkoodii.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa ay sheegeen inay qaraxa ku gbeen gaari Cabdi bile ah, sidoo kalena ay dileen askatii saarneyd wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Degaano iyo degmooyin katirsan gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada Kenya, halka dhankooda Ciidamada Kenya ay howlgallo mararka qaar fuliyaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com