Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Guriceel

HomeWararka

Khasaaro ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Guriceel

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa geeriyooday Haweeneey Shacab ahna waa ay ku dhaawacantay is rasaaseyn Maanta degmada Guriceel ku dhexmartay laba Ci

Madaxweynaha Puntland iyo safarkiisi Qardho (Sawiro)
Dowladda Federaalka oo ka haddashay war la xiriiray Qaraxyada iyo Qatar
MAANHADAL: Go’aankii Puntland ee socodsiinta lacagta shiling Somaaliga & Shaqo la’aanta dhalinyarada (dhegayso)

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa geeriyooday Haweeneey Shacab ahna waa ay ku dhaawacantay is rasaaseyn Maanta degmada Guriceel ku dhexmartay laba Ciidan.

Goobta is rasaaseynta ka dhacday ayaa waxaa ka socotay qeybinta kaarar la doonayay in dad Shacab ah raashin lagu siiyo, waxaana ay ka dambeey kadib markii ay isku dha een laba Ciidan oo ilaalo ka haayay.

Goobjooge ku sugan Goobta wax ka dhaceen ee aaga Shimbira-oonshe ayaa sheegay in Ciidamada dagaalamay ay kala dhex galeen Saraakiisha Ciidamada ka howlgalla Guricrel, isla markaana Haweeneyda dhaawacantay la geeyay Isbitaalka degmada.

laamaha Amniga degmada Guriceel ayaan weli ka hadlin is rasaaseynta khasaaraha geysatay ee Maanta ka dhacday degmadaas, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladda ay haatan tahay mid degan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: