HomeUncategorized

Khasaare ka dhashay qarax Kismaayo lagula beegsaday ciidan tababar u socday

August, 22, 2015 - 20-Askari ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyey tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax saaka lala beegsaday xero tababar

Xukuumadda R/wasaare Gaas oo tacsi u dirtay qoyska Mrs. Marie Dedieu, muwaadinad Faransiis ah oo ku geeriyootay Somaliya.
Wejiga 2-aad ee shirka Khaatumo II oo maanta furmay & midnimada Somaliya oo bud-dhig looga dhigay shirka.
Maxkamada darajada 1-aad ee Bossaso oo xukuntay eedaysanayaal lagu soo oogay samaynta, beeca & istcimaalka mukhaadaraadka.
August, 22, 2015 – 20-Askari ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyey tiro intaasi ka badana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax saaka lala beegsaday xero tababar uga socday ciidamada isku dhafka ah ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya kuna taalla magaalada Kisaamyo ee xarunta maamulka Jubbaland.
 
Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey dhimashada 20-ka Askari, waxaana goobta qaraxu ka dhacay haatan la wareegay ciidamada ammaanka maamulka Jubba iyadoona lagu mashquulsan yahay daad-guraynta dhaawaca iyo dhimada ka dhashay qaraxani.
 
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyey, waxaana wararku intaas ku darayaan inuu waday qof naftii halige ah.
 
Wararka kusoo dhacay war-qabadka Idaacadda Daljir ayaa tilmaamaya in ciidamada qaraxa lala beegsaday isugu jireen ciidamo laga kala keenay gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo qaybka ah ciidamada la qorshayey inla isku dhafo ee markaasi la tababaro si looso celiyo cududii ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
 
Ururka Al-Shabaab ayaa goor horeba sheegtay masuuliyada weerarkan, warar lagu daabacay warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayey ku xaqiijiyeen inay ka danbayeen weerarkaasi iyagoona sheegay inay ciidanka khasaare xooggan u gaysteen.
 
Wixii kasoo cusboonada qaraxa kala soco-Radiodaljir.com
 
 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: