Dhegeyso:Degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu oo markii u horaysay yeelatay Dugsi sare

August, 22, 2015 – Degmada qadiimiga ah ee Bareeda ee gobolka Gardafuu ayaa maanta laga furay Dugsi sare oo markuu u horaysay degmadu yeelanayso, hirgelinta dugsigaan sare ayaa waxaa iska kaashaday bulshada ku dhaqan degmada Bareeda.
 
Gudoomiyaha waxbarashada degmada Bareeda Casayr Yuusuf Maxamud Jaamac oo maanta la hadlay Idaacadda Daljir ayaa ka warbixiyey waxbarashada degmada iyo hirgelinta dugsiga sare ee saaka laga furay degmadaasi, dhinaca kale gudoomiyaha waxbarashadu waxaa uu faah-faahin ka bixiyey xaalada guud ee bulshada ku dhaqan degmadaasi isagoona tilmaamay in xiligan degmada ayka jiraan Abbaaro iyo biyo la,aan baahsan oo ayla ildaran yihiin dadka deegaanku.
 
Casayr Yuusuf waxaa uu sheegay inaysan degmadaasi soo gaarin adeegyada dowliga ah, Casayr ayaa dhinaca kale xusay in xeebaha gobolka ay faro ba,an ku hayaan gaadiid shisheeye oo si sharci darro ah uga kalluumaysanaya, waxaana uu wasaaradda kalluumaysiga iyo ciidamada ilaalada xeebaha Puntland usoo jeediyey inay qaadan tallaabooyin laga hortegayo kalluumaysiga shari darrada ah-Wariyeheenna Maxamed Xalliye oo Garoowe jooga ayuu u waramay.
 
Dhegeyso:
 
 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com