Kenya & Qatar oo Dooxa heshiis ku saxiixday xilli la sugayo go’aanka maxkamadda ICJ ee dacwadda Badda

HomeWararka

Kenya & Qatar oo Dooxa heshiis ku saxiixday xilli la sugayo go’aanka maxkamadda ICJ ee dacwadda Badda

Magaalada Dooxa ee Caasimadsa dalka Qatar waxaa gaaray Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang’i, si uu u gaarsiiyo farriin uu ka si

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Maamulka Degmada Bossaso oo ka Jawaabey Cabashada Timajarayaasha (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)

Magaalada Dooxa ee Caasimadsa dalka Qatar waxaa gaaray Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang’i, si uu u gaarsiiyo farriin uu ka sido Madaxweynaha Kenya amiirka Doxa Sheikh Khalid Bin Khalifa Bin Abdulaziz Al Thani.

Warbaahinta Kenya qaarmood ayaa waxaa ay qorayaan in socdaalka Fred Okengo Matiang’i, uu la xiriiro in Kenya iyo Qatar ay kala saxiixan doonaan heshiis ku saabsan dhanka Amniga.

Safarkaan uu Magaalada Doxa ee dalka Qatar uu ku gaaray xoghayaha golaha wasiiradda Kenya ayaa kusoo aaday, xilli la filayo in 12 ka bisha Octobar ee soo socota in maxkamadda ICJ ay shaaciso xukunka dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Qatar oo la sheego inay xiriir dhow laeedahay Madaxda Villa Somalia ayaa Tan iyo sannadkii 2020, waxaa ay si dhow ugu lug lahayd arrimaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo kaalin ka qaadatay in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay heshiiyaan si ay usoo celiyaan xiriirkoodii diblumaasiyadeed ee xumaaaday.

Warar kal hore soo baxayay ayaa sheegayay in dowladda Qatar ay isku dayday inay heshiis ku saabsan muranka badda kala dhex dhigto labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo aan suurtogelin.

Dowladda Qatar ayaan weli ka hadlin ujeedka Safarka uu Magaalada Doxa ku tegay Xoghayaha Golaha Wasiirrada Kenya Dr. Fred Okengo Matiang, kaas oo farriin ka sida Madaxweynaha Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: