Kenya oo xaqiijisay Qofkii ugu horreeyey oo Coronavirus ugu dhintay dalkeeda

HomeWararka

Kenya oo xaqiijisay Qofkii ugu horreeyey oo Coronavirus ugu dhintay dalkeeda

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19. War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka

Xulashada Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan (dhegayso)
Goobihii loo asteeyay doorashada Golaha Shacabka oo la diyaariyay
Barlamaanka Puntland oo su’aalo waydiyeey Wasiirka Amniga (dhegayso)

Dawladda Kenya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horeeeyey uu dalkaas ugu dhintay cudurka COVID-19.

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa lagu sheegay in qofka dhintay yahay muwaadin kasoo laabtay Koonfur Afrika 13-kii Maarso.

Waxa kaloo wasaaraddu sheegtay in qofkaasi oo rag ah da’diisuna tahay 66-sano jir uu qabay sidoo kale xanuunka macaanka.

Kenya ayaa diiwaangelisay ku dhowaad 30 kiis oo ah cudurka COVID-19

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa dalkeeda kusoo rogtay bandow xiliga habeenkii ah kaasoo bilaaban doona 7-da fiidnimo ilaa 5ta aroornimo.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyin ay dowladda Kenya kula tacaalayso sidii au u xakamayn lahayd faafitaanka xanuunka Coronavirus kaasoo ilaa iyo hadda dadka laga helay gaaraya ilaa 30 qof.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: