Goobihii loo asteeyay doorashada Golaha Shacabka  oo la diyaariyay

HomeWararka

Goobihii loo asteeyay doorashada Golaha Shacabka oo la diyaariyay

Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal( Maxamed Xasan (Ciro) oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Koonfur

WARBIXIN: Safarkii RW khayre ee Galmudug & Guulaha la taaban karo (Daawo)
Sidee loga ciiday Magaaladda Jigjiga ee DDS (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Kigali, Rwanda (dhegayso)

Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal( Maxamed Xasan (Ciro) oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabdulkadir Maxamed iyo Xubno ka tirsan Gudiyada oo Maal mahan howlo shaqo u jooga Baydhabo, ayaa Maanta Kormeer ku tagey Goobaha lagu qabaneyo Doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Koonfur Galbeed.

Goobta ay booqdeen ahaa ka kooban Sedax Hool oo loo qorsheeyey in lagu qabto Doorashada iyo halka laga sugeyo Amniga Doorashada inta ay socoto .

Gudiyada ayaa sido kale Kulan la yeeshey Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaasi oo looga Hadley in dhawaan ay Bilaaban Doonan Doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ,waxana Odayaasha dhaqanka kula Dar-daarmeen in ay u Cadaalad falaan Musharaxiinta ,Si wanaagsana ay usoo xulaan Ergooyinka wax Dooraneysa.

Gudiyada Hirgelinta Doorashaooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan Is-xogwareysi ah kula yeeshey Xaruunta Isku duburidka Amniga Doorashooyinka Sarakiisha Ciidamada Booliska qeybahooda kala Duwan kuwaas oo hada ku Howlan Sugida Amaanka Doorashooyinka .

Gudoomiyaha Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Mudane Maxamed Xasan (Ciro) ayaa Bogaadiyey Qaabka Wanaagsan ee Loo Diyaariyey hoolalka iyo Sugida Amaanka Doorashada,
Wuxuuna Sarakiisha Ciidamada Booliska qeybahooda kala duwan ka Codsadey in ay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed kala Shaqeeyaan Sugida Amaanka , Ergooyinka iyo Gobaaha Doorashooyinka ay ka dhacayaan .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: