Kenya oo xaqiijisay qofkii afaraad uu ku dhacay Cudurka Coronovirus

HomeWararka

Kenya oo xaqiijisay qofkii afaraad uu ku dhacay Cudurka Coronovirus

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Mutahi Kagwe ayaa maanta xaqiijiyay in qof kale laga helay cudurka Coronovirus taasoo ka dhigeysa tirada dadka uu ku

JUBBALAND: “Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, waa in uusan wax dowr ah ku yeelan doorashada oo uu ka dhex baxo, si ay kalsooni u helaan saamileyda siyaasada”
Ciidamo u dhashay Ugandha oo Billado lagu abaalmariyey
Minneapolis Waxaa lagu aasay 5-gabdhood oo walaala ah kuna geeriyooday shil gaari

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Mutahi Kagwe ayaa maanta xaqiijiyay in qof kale laga helay cudurka Coronovirus taasoo ka dhigeysa tirada dadka uu ku dhacay cudurkan ee jooga dalka Kenya afar ruux.

Mr Kagwe ayaa sheegay in qofkan uu ka soo safray magaalada London uuna yimid dalka Kenya 9kii bishan,haatana la raadinayo dadkii uu xiriirka la sameeyay mudadii uu ku sugnaa dalka Kenya.

“Illaa iyo 111 ruux ayaa laga baaray cudurka Coronovirus dalka Kenya,71 ruux waa laga waayay,36 kalana weli waxa ay ku jiraan xaalado qiimeyn ah halka afar ruuxna laga helay cudurkan.”ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Kenya Kagwe.

Qofkii ugu horeeyay ee cudurkan laga helo ayaa la shaaciyay Jimcihii aynu ka soo gudubnay,Axadiina waxa ku dhowaaqay in labo kale laga helay cudurkan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Guud ahaan caalamka dad gaaraya 168,000 oo ruux ayaa uu cudurkan ku dhacay iyadoo ay u dhinteen 6,610 waxaana ka bogsaday cudurkan dad gaaraya 80,000 oo ruux sida ay shaacisay hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: