Kenya oo sheegtay inay weerar ku dishay 20 katirsan Al-Shabaab

Kenya oo sheegtay inay weerar ku dishay 20 katirsan Al-Shabaab

Ciidamada Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in 20 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen howlgal ay ciidamadeedu ka fuliyeen degaanada dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Iyadoo ay roondo ka wadeen magaalada Mandheera, cutub gaar ah oo ka tirsan booliska ayaa qaaday weerar gaadmo ah, halkaas oo ay ku dhinteen 20 Alshabaab ah, sida ay booliska ku sheegeen boggooda rasmiga ah ee Twitter-ka.

Boolisku waxay sheegeen inay soo furteen hub kala duwan oo laga helay goobta weerarka, kuwaas oo ay ku jiraan qoriga darandooriga u dhaca iyo gantaallada riddada dheer.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Kenya ay shaaca ka qaaday inuu dib u dhac uu ku yimid qorshaha dib u furista xuduudka la wadaagto Soomaaliya.

Kenya waxay sheegtay inay la tacaalayso weeraro dhimasho badan dhaliyay oo ay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay meelo kamid ah waddanka Kenya.

Todobaadyadii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan degaano katirsan Gobolka Waqooyi Bari, taas oo keentay inay Kenya dib u dhigto furitaanka xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com