Kenya oo hanjabaad hawada u marisay Somaaliya

HomeWararka

Kenya oo hanjabaad hawada u marisay Somaaliya

Golaha Amniga Qaranka dalka Kenya oo uu shir guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa digniin iyo hanjaad loogu diray dowladda Federaalka ee Sooma

Wasaaradaha & Hay’adaha Jubbaland oo laga mamnuucay inay heshiisyo galaan
Wasiir laga helay Covid-19 oo laga helay oo Daljir la hadlay (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Golaha Amniga Qaranka dalka Kenya oo uu shir guddoominayey madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa digniin iyo hanjaad loogu diray dowladda Federaalka ee Soomaaliya sidda uu daabacay wargeyska lagu Magacaabo African Intelligence.

2-dii October ayaa digniinta iyo hanjaada waxaa soo gaarsiiyay dowladda dhexe ee Soomaaliya wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo.

Dowlada Kenya ayaa Soomalaiya uga digtay in ciidamada Kenya ay rasaas la beegsan doonaan kuwa Soomaaliya, haddii mar kale ay rabsho ka dhacdo xuduudda labada dal.

Qoraalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii xiisadda labada dhinac ay sare uga kacday xuduudda daba-yaaqadii September, markaasi oo iska hor-imaad kooban uu xuduudda ka dhacay, kaasi oo ay ku lug lahaayeen ciidamada labada dal.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale taliyaha Ciidanka Kenya ku amray ciidamada Kenya in uu caddeeyo in Kenya ay ka go’an tahay inay tallaabo qaado, haddii rabsho kale ay ka dhacdo xuduudda.

Xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku fureen shacab banaanbaxayay oo ku sugnaa degmada Beledxaawo ka dib markii Kenya ay afduubatay dad Shacab ah.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 2
  • Dagaal baa inoo palan ah Kenyon

  • Kenya haso dahin somali hadey gacmaha isa saran miyey.moday xabad jawabteda wa xabad wale adonta kilyaha weyn kama baqeynofarhia ismail

DISQUS: