HomeUncategorized

Kenya oo Gacan ka taagtay dhalinyarada ku biiraysa Al-shabaab

Khamiis, Ogoosto 06, 2015 (Daljir) —Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Kooxaha Xag-jirka (NCTC) ayaa sheegay inay Dhallinyarada ku nool magaalladda Nairobi ay maalin kasta muddo 8 saacadood ku bixiyaan Websaytyadda dadka ku tashkiiliya inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan.

10 qof oo ku geeriyootay weerar lala beegsaday goob aflaamta lagu daawado Muqdisho
Beesha Direed oo shaacisay in ay ku biirtay Puntland; xaflad soo dhawayn ah oo tallaabadan lagu maamuusay.
Abwaan Dhoodaan oo ku geeriyoodey dalka Itoobiya (Warbixin iyo Taariikhda Abwaanka )

Khamiis, Ogoosto 06, 2015 (Daljir) —Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Kooxaha Xag-jirka (NCTC) ayaa sheegay inay Dhallinyarada ku nool magaalladda Nairobi ay maalin kasta muddo 8 saacadood ku bixiyaan Websaytyadda dadka ku tashkiiliya inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta hubeysan.

Agaasimaha Xaruntaasi, Isaaq Ochiengh waxa uu tilmaamay in dhallinyaradda da’dooda u dhexeyso 20 jir ilaa 25 jir yihiin kuwa had iyo jeer u nugul inay ku biiraan Kooxaha Islaamiyiinta.Isagoo cashar ku saabsan Kooxaha Argagixisadda ku qabtay Dugsiga  laga barto Sharciga ee Starthmore Law School ayuu carrabka ku dhuftay  inay Kenya awood u lahayn inay joojiyaan hal qof oo u safraya Somalia ama dalal kale ee ay Kooxaha Islaaamiyiinta ka dagaalamaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay inay 100 Dhallinyarro oo horey ugu biirtay Alshabaab ay dib u soo laabteen, iskuna soo dhiibeen Maamulayaasha.

Mar uu ka hadlayey Dhallinyaradda Kenyaanka ee weli la la’ yahay waxa uu xusay inay Dhallinyaradaasi ku biireen Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Iraq iyo Syria.

Sirdoonka lagu sameeyey Isticmaalka Internetka ayaa waxay muujisay in Dhallinyaradda Kenya, gaar ahaan  kuwa Jaamacadaha saacado badan ku bixiyaan Websaytadda lagu baran karo qaabka ay ugu biiri lahaayeen Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: