HomeUncategorized

Beesha Direed oo shaacisay in ay ku biirtay Puntland; xaflad soo dhawayn ah oo tallaabadan lagu maamuusay.

Gaalkacyo, April 03 - Beesha Dir oo ka mid ah beelaha dega koonfur-bari ee gobolka Mudug iyo meelo kale oo ka mid dhulka ...

DHEGEYSO-Barnaamijka Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil.
Dawlada Puntland oo sheegtay in dagaalkii ka dhacay Buuhoodle aanu ahayn mid siyaasadeed, balse ku yimid jawi & cimilo aan la filayn.
Roobab ka da’ay Gobolka Hiiraan oo Khasaare Baaxad leh Sababay

Gaalkacyo, April 03 – Beesha Dir oo ka mid ah beelaha dega koonfur-bari ee gobolka Mudug iyo meelo kale oo ka mid dhulka Soomaaliya ayaa maantana shaacisay ka mid ahaanshaheeda maamulka Puntland, wax-la-qabidda iyo wax-la-qaybsiga beelaha ku midoobay maamulka dawladda Puntland.

Xaflad lagu soo dhawaynayo, isla markaana lagu shaacinayo go’aanka beesha ayaa maanta (Axad) lagu qabtay hoolka shirarka ee huteel Saylaan ee magaalada Gaalkacyo. Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb-galay inta badan cuqaasha dhaqanka ee gobolka Mudug, nabaddoono, issimo, maamullada heer gobol iyo mid degmo iyo sidoo kale wax-garad ka kala socday qabaa’ilka dega gobolka Mudug.

Xafladda maanta ee lagu shaacinayey mawqifka beesha Direed ee ku aaddan ku biiridda Puntland, waxaa beeshaasi uga qayb-galay muujiyeyna go’aankooda Suldaan C/nuur Xaaji Axmed iyo Ugaas Khaliif Warsame oo ka mid ah issimada ugu magaca iyo maamuuska wayn beesha iyo guud ahaan degaanka iyo sidoo kale nabaaddoonno, siyaasiyiin, ganacsato iyo wax-garad kale oo aad u tiro badan.

Suldaan C/nuur Xaaji Axmed oo sharraxaad guud ka bixiyey mawqifka iyo go’aan-qaadashadooda ku saabsan ku biiridda Puntland iyo wax-la-wadaagidda dadyawga reer Puntland ayaa sheegay tani in ay timid kaddib markii muddo dheer beeshu ay u fadhiday kulamo wada-tashi ah oo ku qotomay wax-la-qaybsiga dadyawga dariska ay la yihiin, kaddiba go’aan midaysan lagu gaaray in maamulka Puntland lala wadaago cudud iyo calaf intaba.

Ugaas Khaliif Warsame oo isna ka mid ahaa hormuudkii xubihii shirkaasi ka qayb-galay ayaa isna sidoo kale muujiyey sida ay uga go’an tahay wax-la-wadaagidda dawladda iyo dadka reer Puntland.

Odayaasha dhaqan ee u hadlay beesha Direed waxay dhinaca kale tilmaameen arrintani in ay tahay mid in muddo ahba ay ku taamayeen, ayna ka wadahadleen madaxda sar-sare ee dawladda Puntland, horayna la iskula meel-dhigay ku biiriddooda Puntland kaddib markii bishii 2-aad ee sannadkaan shir arrintaan la xiriira lagu qabtay magaalada Garoowe kaas oo ajandihiisu ahaa midnimo iyo wax-wada-qabsi.

Dhanka kale maamulka, nabaddoonnada iyo cuqaashii dhaqan ee sameeyey soodhweynta ayaa iyana si weyn oo aan loo kala harin ugu hambalyeeyey xubinihii beesha Direed ee shirkaasi ka qayb-galay iyo guud ahaanba bulshadooda oo dhan, iyagoo ugu marxabeeyey sida wanaagsan ee ay u go’aansadeen in ay wax-la-qabaan dadka reer Puntland, marka dhankasta laga eego.

Waa markii 1-aad oo sidaan oo kale Puntland ay ugu soo biirto mid ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, waxayna tani ay xoojinaysaa qodob dastuuri ah oo muujinaya in dawladda Puntland ay iridaha u furayso cidkasta oo ku soo biiraysa Puntland si sharciga waafaqsan.

C/fitaax C Geeddi
Daljir, Galkacyo. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: