Kenya: Dad lagu Laayey magaalo xeebeedka Lamu

HomeWararka

Kenya: Dad lagu Laayey magaalo xeebeedka Lamu

Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay wadada u galeen seddex Bas oo ay saarnaayeen dad shacab

Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
RW Hamse Abdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha
Garoonka diyaaradaha degmada Doolow oo dib loo furay

Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay wadada u galeen seddex Bas oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

Weerarka ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay seddex qof, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Seddexda Bas ayaa ka soo amba baxay Mombasa, waxa ayna ku sii jeedeen magaalo xeebeedka Lamu.

”’Seddexda bas kii ugu horeeyey ayaa waxaa joojiyey koox hubeysan oo la rumeysan yahay in ay yihiin Al-Shabaab , kadib waxa ay ku fureen rasaas ayuu yiri” mid ka mi ah ciidanka magaalo xeebeedka Lamu/

Inta badan xadka Soomaaliya iyo kenya ay wadaagaan waxaa ka dhaca weeraro hubeysan oo ay geystaan maleeshiyada Shabaab

kenya ayaa heegan gelisay ciidankeeda si ay uga feejignaato weeraro uga yimaada Shabaab inta lagu guda jiro dabaal dega sanadka cusub.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: