Kalfadhigii 2-aad ee Aqalka Sare oo maanta lasoo Xiray (Sawiro)

HomeWararka

Kalfadhigii 2-aad ee Aqalka Sare oo maanta lasoo Xiray (Sawiro)

Ajendaha Golaha waa dhageysiga warbixin ku saabsan Arrinta Xuduuda ee Degmada Baladxaawo iyo Xiritaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Aqalka Sare. Sen

Abwaan Cabdilaahi Maxamed Jibriil, Xaalada Puntland ee xiligan oo uu si kulul uga hadlay
Xildhibaanada Puntland u matala baarlamaanka Soomaaliya oo dacwad ka gudbinaya Wasiir Goodax Barre (daawo)
WARKA FIIDNIMO | XUSEEN MADAR | DALJIR GAALKACYO

Ajendaha Golaha waa dhageysiga warbixin ku saabsan Arrinta Xuduuda ee Degmada Baladxaawo iyo Xiritaanka Kalfadhiga 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Senater C.laahi Sh Ismaaciil Fartaag ayaa Golaha Siiyey Warbixin ku saabsan Xadka iyo Darbiga Dowlada Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

“Arrintan Xadka waxaa sameeyey Dowladaha Talyaaniga iyo Ingiriis Sanadkii 1935 runtii waxaa nala socday qubaro dhanka dhulka ah kuwaas oo wax badan ka yaqaan arrinta, waxay qubarada noo sheegeen in dhowr mitir gudaha Soomaaliya u soo galay Siliga Dowlada Kenya Dhiseyso, 790 Guri Soomaaliya leedahay ayaa Siliga ay Kenya Dhiseyso dhinaca kale kamaray”.

Gudoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa sheegay in loo baahan yahay Soomaali oo mid ah dhulkeeda inay difaacato.

Intaas kadib Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C.llaahi ayaa soo xiray Kalfadhigii labaad ee Golaha Aqalka Sare.

Labada Bil ee soo socota ayaa Mudanayaashu fasax galayaan balse waxaa jiri doonta Xaflad weyn taas oo si guud loogu soo xirayo kana qeyb galayaan Madaxda Dowlada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: