Maxkamadda Racfaanka oo go’aamisay in Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uusan dalka kabixi karrin

Kulankii maanta ee Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay go’aamisay in Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur uusan dalka ka bixi karin,waxaa sidoo kale Maxkamadda ay burisay go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir ee ahaa in aan xukunkaas racfaan laga qaadan karin.

Dhinaca kale Maxkamadda waxaa ay xeer ilaalinta u fasaxday in ay baari karaan kiiska lagu heysto Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur Warsame.

Dhanka kale Maxkamadda waxaa ay xukunno kala duwan ku ridday Qareenno sideed ah oo diiday in ay difaacaan Siyaasiga C/Raxmaan C/Shakuur,waxaana shan ka mid ah lagu xukumay in laba bilood shaqada laga joojiyo,lana ganaaxay lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2,000


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com