Juxa: “In reer Puntland talo buuxda & wadatashi ka yeeshaan hannaanka dowladnimo ee dalka waa dood loo baahnaa

HomeWararka

Juxa: “In reer Puntland talo buuxda & wadatashi ka yeeshaan hannaanka dowladnimo ee dalka waa dood loo baahnaa

Siyaasiga Cabdi Faarax Siciid Juxa oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soodhoweeyay shir wadatashi oo u

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar oo heshiis kala saxiixday (Sawiro)
Burcad-baddeedii Soomaalida ee afduubatay Markabkii MV Ruen oo la geeyay Hindiya

Siyaasiga Cabdi Faarax Siciid Juxa oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soodhoweeyay shir wadatashi oo uu shalay iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

“Go’aanka golaha xukuumadda Puntland  iyo khudbadda Madaxweyne Deni waxay ku soo aadeen xilli ku habboon. In reer Puntland talo buuxda iyo wadatashi ka yeeshaan hannaanka dowladnimada Soomaaliya iyo qaabka loo wajahayo waa dood soo daahday, loona baahan yahay in laga fara buuxsado,” ayuu qoray Juxa.

In Soomaaliyada cusubi u ekaato tii duntay ee taladu gacanta qur ah ku jirtey (Centralized City State Government) iyo inay noqoto mid wax badan la kala leeyahay oo taladu daadegto, waxna la wadaago oo midnimada iyo wadajirka guud la ilaaliyo (Confederal or Federal system) sidii horey loogu heshiiyey ayey tahay in reer Puntland 22 sano kaddib markale is dultaagaan.

Wadatashi wacan reer Puntland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: