Aqalka sare oo ansixiyay sharciga doorashooyinka

HomeWararka

Aqalka sare oo ansixiyay sharciga doorashooyinka

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal, kaasoo

Hiigsi & Hayaan: Taxanaha 51aad iyo Jaamacadda Bariga Afrika (EAU) (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (daawo)

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay uu dood ka lahaa Golaha.

Sharcigan oo uu horay u ansixiyay Golaha Shacabka ayaa loo soo gudbiyay aqalka Sare, waxaana Guddoonka Aqalka sare u saaray guddi ka soo baaraan-daga sharciga,

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee ka soo baaraan-dagiga sharciga doorashooyinka Senator Maxamed Amiir Sheekh Cusmaan ayaa Golaha ka hor akhriyay sharcigan wixii ay ka soo baaraan dageen oo ay turxaan bixin ku sameeyeen.

Kulanka maanta uu Aqalka sare ku ansixiyay sharcigan ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyadoo ay wehliyeen Kuxigeenadiisa 1aad iyo labaad ee Golaha.

Dood kaddib ayaa waxaa cod loo qaaday sharciga, waxaana ansixiyay 27 senatar oo ogolaaday sharciga, halka 6 ay diiday, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay.

Sharcigan ayaa la filayaa in loo gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu saxiixo, isla markaana sharcigan dhaqan gal u noqdo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: