Jubbaland oo soo dhoweeyay shirka Dhuusamareeb

HomeWararka

Jubbaland oo soo dhoweeyay shirka Dhuusamareeb

Maamulka Jubbaland ayaa aqbalay inuu ka qeybgalo shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay 1da illaa 3da bisha Febraayo ee sanadkan. W

Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)
Garoowe | Hordhac: Dooda PUNSAA | Doorashooyinka Puntland, Fursadaha, Caqabadaha
R/wasaare Khayrre: ”Waxaan xoogga saareynaa dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka”(dhegayso)

Maamulka Jubbaland ayaa aqbalay inuu ka qeybgalo shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay 1da illaa 3da bisha Febraayo ee sanadkan.

Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ay ka qeybgalayaan shirka,maadaama hore ay maamulada Jubbaland iyo Puntland ugu baaqeen in la qabto shir loogaga hadlo arrimaha doorashooyinka.

“Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo u waramayay laanta afka soomaaliga ee Bbcda.

Hase yeeshee Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa ku tilmaamay diidmada ay dowlada federalka diiday guddiga doorashooyinka ee Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabeen uu yahay mid lagu doonayo in dowladu ay muddo kororsi ku sameysato.

Khilaafka u dhexeeya Maamulka Jubbland iyo Dowlad Federalka ayaa sare u kacay toddobaadkan kadib markii dagaal uu ka dhacay magaalada BeledXaawo oo ku taal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: