Jubbaland oo sheegtay in la doortay 16 kursi ee loo wareejiyay degmada Ceelwaaq

Jubbaland oo sheegtay in la doortay 16 kursi ee loo wareejiyay degmada Ceelwaaq

Gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland Dr Siyaad Maxamed Mursal ayaa faah-faahiyay howlaha shaqo ee maanta u qabsoomay guddiga SEIT Jubbaland.

Siyaad ayaa sheegay in maanta la doortay dhammaan 16 kursi ee dhawaan loo wareejiyay degmada Ceelwaaq.

Kuraasta maanta la doortay waxaa ka mid ah.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP123 ayaa waxaa ku tartamay musharax Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan & musharax Xildhibaan Sacdiyo Cabdullaahi Shire waxaana ugu dambayn ku guulaysatay Marwo Xildhibaan Faadumo Faarax Aadan.

Axmed Cismaan Ibraahim & Aadan Gaarane Cabdullaahi ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP131 waxaana sida ay guddigu shaaciyeen ku guulaystay Mudane Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada kursiga sumadiisu tahay #HOP110 kaa oo ay kuwada tartamayeen musharaxiinta kala ah Maxamed Muxumed Maxameed iyo Khadar Axmed Adan.

Guddiga ayaa shaaciyey in kursiga Hop110 uu ku guuleeystay Musharax Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed.

Doorashada kursiga #HOP122 ayaa lasoo gababeeyey waxaana ku tartamayey Mursal musharax Mursal Maxamed Khaliif iyo musharax xildhibaan Cumar Muxumed Buulle.

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland SEIT ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga #HOP122 waxaana ku guuleeystay Mursal Maxamed Khalif.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com