Jubbaland oo sharci daro ku tilmaamtay qoraal ka soo baxay Villa Somalia

Jubbaland oo sharci daro ku tilmaamtay qoraal ka soo baxay Villa Somalia

Agaasimaha Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland Abshir Maxamed ayaa sharci darro ku tilmaamay qoraalkii dowladda Soomaaliya kasoo baxay ee lagu sheegay inay Axmed Madoobe u aqoonsatay Madaxweynaha KMG ah ee Jubbaland Axmed Madoobe muddo xileedkiisana uu yahay laba sano.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter ayuu ku sheegay in qoraalka kasoo baxay Dowladda uu yahay mid kasoo horjeeda Dastuurka dalka,isla markaana jawaab rasmi ah ay saacadaha soo socda Jubbaland ka bixin doonto.

“Qoraalkan ma leh wax sharci ah. Waxay ka soo horjeedaa dastuurka federaalka Soomaaliya iyo dastuurka Jubaland. Jawaabta rasmiga ah ee Dowlada Jubaland waxay imaan doontaa waqti dhow ayuu yiri” Agaasime Abshir Maxamed.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadaha soo socda Madaxtooyada Jubbaland kasoo bixi doono Warsaxafadeed ay uga hadlayaan Go’aankii dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com