JUBBALAND: “FARMAAJO Mas’uul kama Noqon Karo Meel uu Qabsaday oo Xitaa intaan u Tanaasulnay buu naga Diiday”

HomeWararka

JUBBALAND: “FARMAAJO Mas’uul kama Noqon Karo Meel uu Qabsaday oo Xitaa intaan u Tanaasulnay buu naga Diiday”

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan qabanayn doorashada xildhibaa

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
James Swan: “Waxaan Ku Dhiirigelinayaa Dowladda Soomaaliya Inay Taageerto Hay’adda Naafada Qaranka”
Boosaaso: 700 oo qoys oo maanta raashin loo qeybiyay )daawo)

Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan qabanayn doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka sare ilaa gacanta maamulka Jubbaland laga soo gelinayo gobolka Gedo.

Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed Wasiirka Warfaafinta Jubbaland oo ka qeybgalay barnaamij dood ah oo laanta afka Soomaaliga BBC qabatay ayaa yiri;

“Xaq waxaan u leenahay oo September 17 lagu gooyay in aan annagu mas’uul ka nahay doorashada qeybta ka dhaceysa Jubaland. Madaxweynaheennu mas’uul kama noqon karo meel uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qabsaday, oo xitaa intaan u tanaasulnay aan dhahnay Gedo inteeda kale dib u heshiisiinta dambe ha gasho ee Garbahaareey aan guddoomiyihii iyo 100 wiil oo boolis ah keenno, oo uu diiday, oo ay dheheen ka tanaasula, oo uu subixii dambena soo duulay, markaasaad leedihiin dalka yaan caqabad la gelinin,”

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Jubbaland ayaa ugu baaqay dowlada federalka in muddo lixdan cisho ah kala baxdo ciidamada ay geysay gobolka Gedo.

“Annagu waxaan taagan nahay, Gedo oo Complete ah (dhameystiran) oo aan lasoo celinin wax doorasho ah oo ay jubaland galeyso ma jirto. Haddaan idiin sheegayaa, waa go’aanka aan leenahay, 60 maalmood gudahood haddii aan lagaga qaadin ciidamada oo aanan maamulka Jubbaland gacantooda lagu soo celinin wax doorasho ah oo aan galeyno ma jirto.”

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: