James Swan: “Waxaan Ku Dhiirigelinayaa Dowladda Soomaaliya Inay Taageerto Hay’adda Naafada Qaranka”

James Swan: “Waxaan Ku Dhiirigelinayaa Dowladda Soomaaliya Inay Taageerto Hay’adda Naafada Qaranka”

Wakiilka Gaarka ah ee Xog-haya Guud ee QM u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya James Swan,waxa ku baaqay in si weyn loo aqoonsado xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba si waafaqsan Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqda Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.

Da’dey doonaan ha jiraane, dadka baahiyaha gaarka qaba ayaa si gooni ah loo aqoonsadaa loona gacan bidxeeyaa ahna kooxaha ku dhex nugul bulshada Soomaaliyeed. Tirada dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee Soomaaliya ku sugan ayaa la filayaa in ay ka badato qiyaasta caalamiga ah ee boqilkaba 15 tirada shacabka iyada oo ay ugu wacan yihiin colaadaha dabada dheeraaday, xaaladaha beni’aadannimo iyo helista daryeelka caafimaad ee kooban” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah Swan.

Hal-ku-dhigga xuska sanadkan waa “ Hoggaanka iyo ka-qeyb-galka dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku wajahan duni loo dhanyahay, la wada heli karo oo waarta cudurka Koofid-19 ka dib” Hal-ku-dhiggu waxa uu la xiriiraa Soomaaliya maadaama uu hoosta ka xarriiqayo baahida loo qabo ka-qeyb-gal buuxa ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba ka qeyb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka ee hadda socda iyo dadaallada looga soo kabanayo saameynta safmarka Koofid-19.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com