JUBBALAND: Axmed Madoobe oo maanta la shiray Golihiisa Wasiirada

HomeWararka

JUBBALAND: Axmed Madoobe oo maanta la shiray Golihiisa Wasiirada

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kulan wadareedka Golaha Wasiirada Jubbaland Kaasi oo lagu dardar galin

Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bossaso (dhegayso)
Maamulka Jubbaland oo Sheegay In Abaaro au ku dhufteen deegaano ka mid ah Jubbaland

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta furay kulan wadareedka Golaha Wasiirada Jubbaland Kaasi oo lagu dardar galinayo Hiigsiga Xukuumada.

Kulankan oo ah aqoon iswaydaarsi looga hadli doono Isku xirka hawlaha dowladda ayaa waxaa uu socon doonaa mudo seddex maalin ah, kaasi oo ay bixinayaan Aqoonyahano isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ah.

Kulankan oo ay qeyb ka ahaayeen labada Madaxweyne kuxigeen iyo Gollaha Wasiirada Jubbaland ayaa lagu wadaa in ay wax badan ka faa’iidaan dhammaan wasiirada si xukuumada ay uga shaqeyso danaha Jubbaland iyo in la ilaaliyo wadashaqeynta guud ee hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam oo khudbada furitaanka ka horjeediyay Golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan wasiiradda aqoon iswaydaarsigan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: