JUBBALAND:  Abaaraha oo laga shiray & maamulka  & Jubbaland oo Wafdi u dirtay degaanada ay Abaartu kajirto

HomeUncategorized

JUBBALAND: Abaaraha oo laga shiray & maamulka & Jubbaland oo Wafdi u dirtay degaanada ay Abaartu kajirto

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasimay kulan fogaan arag ah oo ku saabsan abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan

Madaxweyne Gaas oo Maanta Booqday Xarumo Muhiim ah oo Bosaaso ku yaal
“Anigu waxba kama ogi heshiiska la sheegay in ay kala saxiixdeen Kenya & Somaliya” Cismaan C. Boqorre.
DHEGEYO-Waxgaradka Caabudwaaq oo baaq u diray Puntland iyo Galmudug.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo agaasimay kulan fogaan arag ah oo ku saabsan abaaraha ka jira dalka, gaar ahaan deegaannada Jubbaland.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen Guddiga Wasiirrada ah ee u xilsaaran Abaaraha ka jira dalka, Danjireyaasha Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Gargaarka binu-aadantinimo ee ka howl-gala dalka ayaa lagu soo bandhigay walaac xooggan ee ku aaddan xaaladda Abaaraha ee kasii daraysa, taasoo galaafatay nolosha dad iyo duunyo fara badan.

Kulanka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada iyo gurmadka ay hormuudka ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, gudo iyo dibadba, iyagoo ku baaqay in la sii dardar geliyo, lana xoojiyo sidii loo badbaadin lahaa dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay ku habsadeen abaaruhu.

Inta uu socday kulanku, Madaxda ayaa ka dhageystay guddigii Wasiirrada ahaa ee gurmadka geeyey iyo Wasiirka Gargaarka Jubbaland warbixin ku saabsan saameynta abaaruhu ay ku yeesheen Jubbaland oo ka mid ah deegaannada ay sida ba’an u saameyeen Abaaraha ka jira dalka.

Gabagabadii, Madaxda ayaa isla qaatay in la dardargaliyo lana xoojiyo dadaallada lagu badbaadinayo Nolosha dadka tabaalaysan, iyagoona isla gartay in loo baahan yahay qorshe cad oo looga hortagayo Abaaraha ku soo noqnoqday qeybo ka mid ah Dalka.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose.

Socdaalka Wasiirka oo ay kamid yihiin mas’uuliyiin ka yirsan Hay’adaha gargaarka ayaa la xiriira xaaladda abaaraha ee ka jira deegaanno hoos yimaadda magaalada Dhoobley.

Wafdiga ayaa waxaa la filayaa inay tagaan degaano hoostaga degmada Dhoobleey, isla markaana ay gaarsiiyaan gurmadyo kala duwan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: