GURICEEL: Maamulka oo Shacabkii barakacay ugu baaqay inay soo laabtaan

Ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa dhamaan la wareegay fariisimihii Ciidan ee ay ka dagaalamayeen xoogaga hubeysan ee Ahlusunna ee degmada Guriceel.

Maamulka guriceel iyo saraakiisha laamaha amniga ayaa kormeeray Goobihii ay ka dhaceen dagaalada oo qaarkood lagu arkay meydad dad aan la aasin.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin ayaa sheegay in guud ahaan la soo geba-gabeeyay howlgalkii ka dhanka ahaa xoogaga Ahlusunna, waxaana uu dadkii barakacay ugu baaqay in ay kusoo laabtaan guryahooda, isla markaana xaaladda amni ay tahay mid wanaagsan.

Waxa uu ugu baaqay dhamaan Hay’adaha ka howlgalla degaannada Galmudug inay si deg deg ah ugu gurmadaan dadkii ka barakacay Guriceel ee dhibaatooyinka kala duwan ku qabsadeen duleedka degmadaas.

Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta degan kadib Afar Maalin xiriir ah oo ay ku dagaalamayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna oo saaka waaberigii bore isaga baxay degmada Guriceel.

Halkan ka daawo sawirda goobihii ay Ahlusunna ka baxeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com