JIGJIGA: 2 Qof ayaa ku dhintay Shil Gaari oo ka dhashay wadada Wajaale

JIGJIGA:  2 Qof ayaa ku dhintay Shil Gaari oo ka dhashay wadada Wajaale

Shilka Gaari oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa ka dhacay duleedka Magalada Jigjiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday Gaari yar xilli uu marayay wadada Wajaale ee duleedka Jigjiga, waxaana ku dhintay laba Ruux halka hal qof kale uu ku dhaawacmay Shilka.

Dadka ku dhintay Shilka iyo qofka ku dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Magaalada Jigjiga, iyada oo gurmad ay u sameeyeen dadka degaanka iyo Ciidamada Booliska Magaalada Jigjiga.

Shilalka Gaari ayaa bilihii la soo dhaafay kusoo bateen degaano u dhow Magaalada Jigjiga, iyada oo dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay shilal ka dhacay dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com