HomeUncategorized

Jamhuuriyadda Jabbuuti oo maantay u dabaal-dagaysa 35-guuradii kasoo guurtay xorriyada dalkaasi.

Djabbuuti, June, 27 - Jamhuuriyadda dalka Jabuuti oo dhan waxaa si guud maanta looga xusayaa sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi uu madaxbannaanidiisa ka qaatay gumeytihii Faransiiska oo ku asteysneyd 27-ka June 1977.

Dr. Jimcaale oo ka warbixiyey qorshaha hirgelinta nidaamka axsaabta & dimuqraadiyaynta ee dawlada Puntland.
Sawiro Dhagaysiga Khudbadaha Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo galabtay la Soo gabagabeeyay
DHEGEYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_26

Djabbuuti, June, 27 – Jamhuuriyadda dalka Jabuuti oo dhan? waxaa si guud? maanta looga xusayaa sanadguuradii 35 aad ee ka soo wareegtay markii dalkaasi uu madaxbannaanidiisa ka qaatay gumeytihii Faransiiska oo ku asteysneyd 27-ka June 1977.

35 sano ayaa laga joogaa xilligaan markii xornimada jamhuuriyadda Djabbuuti ay ka qaadatay gumaystihii Faransiiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeybgalay munaasabaddii calansaarka ee xalay lagu qabtay caasimadda Jabuuti ayaa shacabka Jabuuti u diray hambalyo ku aadan maalinta xorriyadda 27-june, madaxwayne Ismaacil ayaa faah-faahin ka bixiyay halgankii gobonimo doonka dalka Jabbuuti, iyo marxaladdii ay Jabbuuti isaga riday heeryadii gumaystihii Faransiiska.

Khudbad dheer oo uu dadka reer Jabbuuti u jeediyay madaxwayne Ismaaciil ayuu sidoo kale waxaa uu muujiyay sida ay Jabbuuti uga damqanayso xaaladda cakiran ee dalkaasi Soomaaliya ay ku sugan-tahay, waxaa uu tilmaamay inay ka go?antahay sidii ay shacabka Soomaalida iyo dawladdooda ugala shaqayn-lahaayeen ka bixida xilliga kumeel-gaarka ah.

Diiwaanka Wararka

Daljir Boossaaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: