Sawiro Dhagaysiga Khudbadaha Xubnaha Aqalka Sare ee Puntland oo galabtay la Soo gabagabeeyay

Garowe, 19, Oct, 2016 – Xarunta Barlamaanka Dowladda Puntland ee magaaladda Garoowe Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay dhagaysiga khudbadaha musharixiinta u tartamaya xubinimadda Aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maalinta beri ka dhici doontaa Magaaladda Garoowe.

Musharixiinta oo tiradoodu ka kooban yihiin 29 xubnood, ayna ku jiraan sideed haween, ayaa 22 ka mid ah waxay maanta   khudbadahoodii  ka soo hor jeediyeen Mudanayaasha Barlamaanka dowladda Puntland, halkaasi oo ay ku soo bandhigeen aqoontooda,  waayo-aragnimadooda iyo waxyaabaha ay qaban doonaan haddii loo doorto xubinimada Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka   soomaaliyeed.
 
Dhagaysiga khudbadaha oo ka dhacda Hoolka Barlamaanka Puntland waxaa  goobjoog ka ahaa  guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Guddiyadda doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo maamul goboleed, Xubno ka tirsan gollaha wasiiradda Puntland, xildhibaano, ururadda arrimaha bulshadda, odoyaasha dhaqanka, Ururadda Haweenka iyo marti sharaf kale oo tiro badan.
 
Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid guddigga doorashooyinka Dadban ee Heer federaal iyo guddoomiyaha guddiga Doorashadda heer Maamul goboleed  Khaliif Aw-cali ayaa hadal kooban oo kaga hadlayeen doorashadda aqalka sare ka jeediyay  kulanka dhagaysiga khudbadaha musharixiinta ee ka bilaabatay Garoowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com