James Swan: “Qaramada Midoobay waxa ay taageero la garab taagan tahay dhammaan Dhibanayaasha Soomaaliyeed”

James Swan: “Qaramada Midoobay waxa ay taageero la garab taagan tahay dhammaan Dhibanayaasha Soomaaliyeed”

Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa qoraal uu soosaaray waxa uu uga hadlay weerarka Al-Shabaab ay ku beegsatay Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho 19kii August 2022.

James Swan waxa uu sheegay in Qaramada midoobay ay garab taagan tahay Dowladda Federaalka & Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka waxyeellada ehelkoodu gaartay ee la dhibaateysan dhaawacyada & Murugada ka dhalatay Dadkii ka dhintay.

Swan waxa uu sheegay in ay jiraan dad badan dhibanayaal u ah weerarada uu ugu yeeray “Argagixisada” oo ka dhacay meelo kala duwan oo Dalka ah sida uu yiri Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxa ay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo ka bogsanaya jugta iyo dhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda” James Swan.

Wakiilka xoghayaha guud Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya James Swan oo ka hadlay Maalinta Caalamiga ah ee Xuska & Xusuusta dhibanayaasha waxa ay reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisada.

James Swan ayaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wakiil uga ah arrimaha Soomaaliya, waxa uu joogta ula wadaagaa dhacdooyinka ka jira Dalka & shirarka Golaha uu uga hadlayo Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com