James Swan: “Doorashada Golaha Shacabka waa in si deg deg ah loo soo geba-gabeeyaa”

HomeWararka

James Swan: “Doorashada Golaha Shacabka waa in si deg deg ah loo soo geba-gabeeyaa”

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa ku baaqay doorashada Golaha Wakiillada Shacabka ee Soo

Caasimada Yuhuuddu Awal Xaggee Aheyd?
dib u dhis lagu waddo Xarunta Golaha shacabka Muqdisho (Sawiro)
MAANHADAL: Maalinta Afka Hooyo iyo Muhiimadu noo leeyahay (dhegayso)

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa ku baaqay doorashada Golaha Wakiillada Shacabka ee Soomaaliya in la soo gabagabeeyo ka hor dhammaadka sanadkan.

Wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo kuraasta aqalka sare ee la dhameystiray oo 14 ka mid ah ay haween yihiin, iyo billaabashada doorashada golaha wakiillada shacabka.

James Swan oo Arbacadi Golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu bogaadinayo dadaallada billowga ah ee socdo oo lagu doonayo in lagu dhaqaajiyo doorashada golaha wakiillada shacabka.

Iyada oo James Swan xilliga uu warbixinta soo jeedinayey ay madasha ku wehliyeen Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira iyo Marwo Caasha Siyaad oo u ololeysaa sidii ay haweenka qoondadooda 30 boqolkiiba uga heli lahaayeen doorashooyinka.

Swan wuxuu sheegay in horumar laga gaaray hannaanka doorashadaSoomaaliya, waloow uu gaabis ka muuqdo. Wuxuuna sheegay inuu soo dhaweynayo doorashada dhawaan la soo gaba gabeeyay ee dhammaan 54-ta kursi ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wuxuna intaa ku daray iney tahay tallaabbo dhiiragelin leh in 14 haween ah ay dhawaan la wareegi doonaan xilka sanatarnimo, tiradaas oo ka dhigan 26 boqolkiiba xubnaha Aqalka Sare. Sidoo kale waxaa dhiirigelin leh in ay bilaabatay doorashada Golaha Shacabka, iyadoo 2 ka mid ah 275- kii kursi la soo dhameystiray, waxaana toddobaadkaan la shaaciyay in doorashada 11 kursi oo dheeri ah ay bilaabaneyso.

Wuxuu intaa raaciyey marka laga soo tago diyaargarowga doorashada heer qaran, ay si nabad ah u qabsoomeen doorashooyin toos ah oo bishii Oktoobar ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan Puntland, taasoo muujisay suurtagalnimada in doorasho qof iyo cod ah ay dhici karto waxayna hoosta ka xariiqday rabitaanka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qaybgalka siyaasadda iyadoo la raacayo nidaamka caalamiga ah ee doorashooyinka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: